Madaxda Dowlad Goboleedyada oo caawa ka arrinsaya baaqii Madaxweynaha

Madaxda Dowladda Goboleedyada ayuu caawa shir gaar ahi uga socdaa Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona ka arrinsanaya arrimo kala duwan.

Shirka oo uu ku baaqay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxweyne-yaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Puntland, halka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) uu maanta isaga tagay Magaalada Dhuusamareeb, kuna laabtay Caasimadda Muqdisho.

Madaxda Dowladda Goboleedyada ayaa ka arrinsanaya baaqii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee ahaa in wadatashi dambe leeskugu yimaado, ka dib marka uu xaaladda dalka uga warbixiyo Baarlamaanka.

Baaqa Madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii uu guuldareystay shirkii 3dii maalmood ee uga dambeysay Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uga socday magaaladaasi.

Inkastoo shirka caawa ay Warbaahinta dibadjoog ka tahay ayay ilo wareedyo sheegayan in sidoo kale shirka looga hadlayo xaaladda guud ee dalka, ka dib 8-da bishan, oo ku eg muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa juhdi badan ku bixinaya in xal laga gaaro doodaha xoogga badan ee ka taagan arrinta Gobolka Gedo iyo cidda magacaabeysa Guddiga Doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi, soona xulaya Xildhibaanada.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa niyad xumo ka muujiyay fashilka ku yimid shirkii wadatashiga ee maalmahaanba loo fadhiyay Magaalada Dhuusamareeb, loogana hadlayay masiirka dalka.

Dadka wax ku qora barraha bulshada ayaa siyaabooyin kala duwan Madaxda ugu eedeeyay inaanay markii horeba ka wadahadleynin danta ummadda Soomaaliyeed.

Si kastaba ha-ahaatee Maamulka Galmudug ayaa ka rajo qaba in Madaxda Soomaalida xal u heli doonaan hadalada ka soo laabtay heshiiskii 17-kii bishii September, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com