Kulamo siyaasadeed oo caawa ka socda Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xilligan uu magaaladu ka socdo kulamo siyaasadeed, oo looga arrinsanayo dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulamada ka socdo magaalada waxaa ugu muhiimsan kulan ay iminka Xubnaha Midowga Musharaxiinta qaarkood ay hoygiisa kula leeyihiin Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Hoyga Gudoomiyaha oo ku yaala Xarunta Villa Hargeisa oo Villa Somalia ka dhex dhisan ayaa kulanka ka socdo looga hadlaya tallaabadii la qaadi lahaa.

Kulamadan ayaa waxaan jirin wax wara oo laga soo saaray, waxaase la fillaya in saacadaha soo socda ay mucaaradka ka hadlaan.

Saqdii dhexe ee caawa markii ay saacaddu ku buuxsan tahay 12:00 ayaa waxaa magaalada laga maqlay rasaas in doora socotay, taasoo lagu soo aadiyay dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka loo doortay 8-dii bishii February ee sanadkii 2017-kii, iyadoo muddo xileedkiisuna uu ku egyahay 8-da bishan oo caawa ku beegan.

Natiijo la’aanta shirkii wadatashiga ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa xaalad siyaasadeed oo hor leh dalka ku soo kordhisay, taasoo aan la ogayn muddada ay qaadan doonto.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay jiraan wadooyin kale oo looga gudbi karo isgoyska la taagan.

“Ikhtiyaar badanaa jiro ama khayraad fara-badanaa jiro, khayraadkaas waxaa ka mid noqon kara in shirweyne qaran leeskugu yimaado, in muddo kordhin noocyo kala duwanaa jira la sameeyo, in Baarlamaankan hadda jiro wax doorto ama in Madasha Hoggaanka Qaran (National Leadership Forum) la aado. Marka waxyaabaha badan ee la samayn karo hadda in leeska wareysto uun bay noqoneysaa.” Ayuu yiri Prof. Afyare.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com