Qoorqoor oo joojiyay xuska sanad guurada 1aad, markii xilka loo doortay

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa hakiyay munaasabadda sanad guurada 1aad ee ka soo wareegatay, markii xilka loo doortay.

Madaxweynaha ayaa xilka loo doortay 2-dii bishii February ee sanadkii hore, ka dib doorasho lagu kala qaybsamay oo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa Guddiga qaban-qaabada ee munaasabadda ku wargeliyay in la hakiyo xafladda, oo caawa lagu waday in lagu qabto Madaxtooyada Dhuusamareeb.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in sababta loo hakiyay munaasabadda ay tahay tacsida Taliyihii Nabad Suggida ee Magaalada Dhuusamareeb, Cabdirashiid Cabdi Shiikhdoon (Qooje) iyo sagaal askari oo kale, oo maanta lagu dilay qarax ka dhacay nawaaxiga deegaanka Ceeldheere, oo ku yaala inta u dhaxeyso Dhuusamareeb iyo Guriceel.

“Xafladda la samayn rabay ee sanad guurada ah waala hakiyay, waxaana loo hakiyay shilka dhacay awgiis, maadaama Saraakiil sar sare dhimatay inaan hawshaasi hakino iyo xoojinta nabadda, si arrimahaasi dabagal loogu sameeyo.” Ayuu yiri Wasiirka.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxii wadada dhinaceeda la dhigay ee haleelay gaari Cabdi Bille ahaa, oo ay la socdeen Taliyaha iyo ilaaladiisii.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com