Taliye Qooje iyo ilaaladiisii oo lagu aasay Guriceel (SAWIRRO)

Allaha u naxariistee Taliyihii Nabad Suggida ee Magaalada Dhuusamareeb, Cabdirashiid Cabdi Shiikhdoon (Qooje) iyo sagaal askari oo ilaaladiisii ahayd ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu aasay Magaalada Guriceel.

Taliyaha iyo ilaaladiisa ayaa lagu dilay qarax wadada dhinaceeda lagu aasay, xilli ay ku safrayeen agagaarka deegaanka Ceeldheere, oo ku yaala inta u dhaxeyso Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Dadka reer Guriceel ayaa ka qayb qaatay aaska Taliyaha iyo ilaaladiisii loogu sameeyay khabuuraha ku yaala duleedka magaaladaasi.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Taliyaha iyo sagaalka askari ee lala dilay.

“Waxaan dhammaan eheladii iyo qoysaskii ay ka baxeen uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Taliyihii Nabad Suggida Caasimadda Dhusamareeb, marxuum G/le Cabdirashiid Cabdi Shiikhdoon (Qooje) iyo dhamme Cabdixakiin Macalin Mustaf iyo askartii kale ee ku shahiiday qaraxii Khawaarijtu kula eegteen maanta agagaarka deegaanka Ceeldheere.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa lagu dilay Taliyaha iyo askartii la socotayba. Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada hoos-taggaba waxaa ku soo noqnoqday weerarada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com