Taliyihii Nabad Suggida Dhuusamareeb iyo 9 askari oo qarax lagu dilay

Faah faahino ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay Gobolka Galgaduud oo lagu dilay toban askari, oo uu ku jiro Taliyihii Nabad Suggida ee Magaalada Dhuusamareeb, Cabdirashiid Cabdi Shiikhdoon (Qooje).

Gaari Cabdi Bille ahaa oo ay la socdeen ayuu qaraxu ku haleelay nawaaxiga deegaanka Ceeldheere, oo ku yaala wadada xiriirisa Magaalooyinka Dhuuamareeb iyo Guriceel, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle.

Wasiirka ayaa sheegay in gaariga uu qabsaday qarax wadada dhinaceeda la dhigay, isagoo intaa ku daray inay jiraan askar kale oo dhaawac ah, kuwaa oo iminka xaaladooda lagula tacaalayo goobaha caafimaadka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Ciidamada Galmudug ay wadaan hawlgal ay ku baadigoobayan kuwii qaraxaasi ka dambeeyay, hawlgalkuna uu weli socdo.

Ururka Al Shabaab oo culeys weyn soo saaray deegaanada Galmudug ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi.

Billihii ugu dambeeyay ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada hoos-taggaba ku soo noqnoqday weerarada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com