Beesha Caalamka oo war ka soo saartay shirkii wadatashiga ee Dhuusamareeb

Beesha Caalamka ayaa maanta Warsaxaafadeed ka oo saartay shirkii wadatashiga ee Dhuusamareeb, iyadoona ku baaqday in wadahadalada la sii wado.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa:-

Saaxiibada caalamka ee Somaliya waxay soo dhoweynayaan dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Somaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta hannaanka doorashada ee 17kii September. Wadahadalladii lagu qabtay Dhuusamareeb 1-6 February horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa.

Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Waxaan si xiiso leh u dhageysanay hadal-jeedintii Madaxweynaha ee Golaha Shacabka 6dii February, waxaana si gaar hoosta uga xariiqnay sida uu u doonayo inuu sii wado wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Somaliya iyo Dowlad Goboleedyada, wadahadalladaas oo ujeedadoodu tahay in la isla garto wadiiqo lagu heshiiyey oo loo maro qabashada doorashooyinka. Waxaan si xoog leh u taageersannahay wadahadal dheeri ah oo ku qabsooma jawi deggan oo wax lagu dhisayo.

Waxaan markale hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxda siyaasadda Somaliya inay ka amba-qaadaan dhinacyada wanaagsan ee doodda Dhuusamareeb, ayna sii wadaan wada-shaqeynta, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo danta qaranka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com