Ciidanka NISA oo xoog ku galay Xarunta Somali Cabletv ee Muqdisho

Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa duhurnimadii maanta sifo aan sharci ahayn ku galay Xarunta Telefishinka Somali Cable ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka NISA ayaa xoog ku galay Xarunta Telefishinka oo ku taala Degmada Boondheere, iyagoona bastoolado ku qabtay Shaqaalihii TV-ga.

Qoraal ka soo baxay Maamulka Telefishinka ayaa lagu yiri “Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda Somaliya oo degan Godka Jilicow ayaa si sharci-darro ah ku soo galay Xarunta Telefeshinka Somali Cable, iyagoo bastoolado ku qabtay Shaqaale ka tirsan Telefeshinka, lama oga sababta, waana markii 2aad oo Ciidamada NISA ay gudaha u soo galaan Xarunta Somali Cable, sabab la’aan.”

Tafaftiraha Guud ee Somali Cabletv, Cabdifitaax Macalin Nuur Qays ayaa Dhacdo.com u sheegay in Ciidanka NISA ay horey u kaxeysteen laba ka mida Shaqaalahooda, inkastoo buu yiri daqiiqado kadib ay dib xorriyadooda u siiyeen.

18-kii bishii May ee sanadkii hore ayay ahayd markii Xoogaga NISA ay xilli habeen ah xoog ku galeen Xarunta Telefishinka, iyadoona ay jirdil u gaysteen nin Wariye ah iyo sawirqaade.

Taliska NISA ayaan looga baran inay ka hadlaan xadgudubyada ay xilliyada qaarkood ciidamadoodu ka gaystaan Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com