Xasan Sheekh: Somaliya waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in dalka uu geliyay xaalad hubinti la’aan ah oo mugdi u horseedi karta mustaqbalka dalka.

“Waa xaqiiqo aan la jecleyn in Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Somaliya ay leedahay shacab iyo haldoor buu yiri ka samata bixin kara xaaladaha adag, isagoo dhanka kalena ku baaqay xasillooni iyo aragtiwadaag.

“Somaliya waxay leedahay shacab iyo haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaag.” Ayuu yiri Xasan Sheekh oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka dadweynaha.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa imaanaya, iyadoo uu maanta ku egyahay muddo xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen laga bilaabo 8-da February oo maanta ku beegan inaanay Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com