Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay kulankii Guddoonka Golaha Shacabka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kooban kaga hadlay kulan uu maanta Villa Somalia kula yeeshay Guddoonka Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad, Mahad Cabdalla Cawad.

“Waxaan la kulmay Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Labadiisa Kuxigeen oo wadahadalo ballaaran aan la yeeshay. Tani waa qayb ka mid ah wadatashiyada joogtada ah ee loo dhan yahay ee ku saabsan doorashooyin guuleysta.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Golaha Shacabka wuxuu udub dhexaad u yahay gudashada waajibaadkiisa kormeerka ee sharci dejinta.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Qoraal kale oo lagu daabacay barta Villa Somalia ku leedahay Facebook ayaa u qornaa “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadalo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxayna diiradda saareen sidii doorasho ay dalka uga dhici laheyd.”

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo uu dhammaaday muddo xileedka Hay’adaha Heer Federaal, berritana waxaa lagu wadaa in Ra’iisal Wasaare Rooble uu hadal ka jeediyo Xarunta Golaha Shacabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com