Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoonka Golaha Shacabka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Kulanka ayaa ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin, mana jirto cid Saxaafadda uga warbixisay waxyaabihii looga wadahadlay, waxaase soo baxaya warar sheegaya arrinta doorashada looga hadlay kulankaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan wax ka weydiiyay kulankii uu habeen hore Magaalada Muqdisho kula yeeshay Xubnanaha Golaha Midowga Musharaxiinta qaarkood.

Wax yar uun ka dib markii uu kulankaasi soo dhamamaday ayaa war ka soo baxay Guddoonka Golaha Shacabka waxaa lagu iclaamiyay kulan ka mid ah kulamadii caadiga ahaa in Xildhibaanada ay berrito yeelan doonaan.

Warka ayaa lagu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble in uu Arbacada hadal ka jeedin doono Xarunta Golaha Shacabka.

“Berri oo Arbaca ah oo ay taariikhdu tahay 10 February, waxaa jira kulanweynihii Golaha Shacabka. Ajandaha 1. Hadaljeedinta Ra’iisal Wasaaraha – Warbixin ku saabsan Waxqabadkii boqolka Maalmood ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya. Saacadu waa 09:00 subaxnimo.” Ayaa lagu yiri warka.

Hubinti la’aan ayaa ka taagan xilliga ay dhaceyso doorashada dalka, iyadoona ay dhammaadeen muddo xileedka Hay’adaha Heer Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com