Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Dowlad Goboleedyada

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka ee dalka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Madaxtooyada.

Shirkan oo 15-ka bishan ka furmaya Magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen Magaalada Muqdisho, 17-kii September 2020.

Dowladda Federaalka Somaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aadan, sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay, iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, 26-kii September 2020.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmal.com