Mahad Salaad oo sheegay in dharcadka NISA ay baqdin ku hayaan

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xarunta Golaha Shacabka maalmihii ugu dambeysay lagu arkay ciidan dharcad ah oo hubeysan.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo gelinkii dambe ee maanta ka hadlayay shir jaraa’id oo tiro Xildhibaano ahi ku qabteen Hotel Jazeera ayaa ka digay in ciidankaasi ay markale Golaha Shacabka yimaadaan.

Dharcadka NISA oo aan horey loogu arki jirin Golaha Shacabka ayuu sheegay in ay baqdin ku hayaan Xildhibaanada iyo Saxafiyiinta yimaada kulamada Golaha Shacabka.

Xildhibaano kale oo ka barbar hadlayay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa shirkaasi jaraa’id kaga dhawaaqay kutlad ay ugu magac-dareen (Kutlada Badbaadada Qaranka).

Xildhibaanadan oo ka hadlay mowqifkooda ku aadan dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha iyo sida ay xalka u arkaan ayaa soo jeediyay Labada Aqal ee Baarlamaanka inay qaataan masuuliyadda ah in xilliga kala guurka ay dalka ka gudbiyaan

Hubinti la’aan ayaa ka taagan xilliga ay dhaceyso doorashada dalka, waana xilli uu dhammaaday muddo xileedka Hay’adaha Heer Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com