Rooble oo dhagax dhigay ballaarinta isbitaalka Turkiga (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dhagax dhigay qaybtii labaad ee dhismaha lagu ballaarinayo Isbitaalka Yardimeli ee Magaalada Muqdisho, ka dib munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Turkiga ee Somaliya, Amb. Mehmet Yilmaz, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo xubno ka tirsan Labada Gole ee dowladda.

Dhismaha cusub ee lagu soo kordhinayo Isbitaalka ayaa laba jibaar ka weyn kii hore, wuxuuna ku yimid baahida loo qabo in bulshada Soomaaliyeed ay hellaan xarumo caafimaad oo tayo leh, isla-markaana laga heli karo adeegyadii loo aadi jiray dalka dibaddiisa.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada iyo garab istaaggooda shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siineyso bixinta adeegyada taabanaya nolosha shacabka Soomaaliyeed, sida caafimaadka, waxbarashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan goobjoob u noqdo ballaarinta isbitaalkan iyo in lagu soo kordhiyo adeegyo cusub oo caafimaad oo ay ka faa’iideysan doonaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Rooble oo intaas ku daray in ay soo dhaweynayaan cid walba oo maalgashanaysa dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com