Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiisha Xoogga (SAWIRRO)

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka, oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka ayaa warbixin la xiriirta hawlgalada dalka ka socdo ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliye-yaal kale, oo kulanka ku wehlinayay.

“Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji ayaa warbixin la xiriirta hawlgalada Ciidamada Xoogga Dalka ay ka wadaan Gobolada Dalka ka dhageystay Taliye-yaasha Ciidanka, oo uu hoggaaminayay Taliyaha CXD General Odawaa Yusuuf Raage. Sidoo kale kulanka waxaa qayb ka ahaa Taliye kuxigeenka Ciidanka Xoogga, General Cabaas Amiin Cali, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga, General Maxamed Tahliil Biixi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hoggaanka CXD.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Qoraalka ayaa yiri “Intii uu kulanka socday ayaa laga wadahadlay dardargelinta hawlgalada ka dhanka argagixisadda.”

Kulankan ayaa imaanaya, xilli uu dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, lagana cabsi qabo in qalqal amni uu ka dhasho dib u dhaca ku yimid doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com