Xildhibaano ku dhawaaqay Kutlada Badbaadada Qaranka (SAWIRRO)

Kulamo siyaasadeed ayaa maanta ka soconaya Magaalada Muqdisho, oo looga arrinsanayo tallaabada la qaadi karo, marba haddii uu dhammaday muddo xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xilhaynta Madaxweyne Farmaajo ayaa 8-dii bishan ku ekeyd, mana muuqato dadaalo doorasho looga qabanayo dalka. Golaha Midowga Musharaxiintana waxay sheegeen inaanay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa goor dhow Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay kutlad loogu magac-daray (Kutlada Badbaadada Qaranka).

Xildhibaanadan oo u badan kuwa mucaaradka ayaa Hotel Jazeera kaga dhawaaqay Kutlada Badbaadada Qaranka.

Senator Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa yiri “Waxaan ku dhawaaqnay Kutlada Badbaadada Qaranka.”

Shir jaraa’id oo Xildhibaanadan ay ku qabteen Hotel Jazeera ayay kaga hadleen mowqifkooda ku aadan dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha iyo sida ay xalka u arkaan, waxayna soo jeediyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka inay qaataan masuuliyadda ah in xilliga kala guurka ay dalka ka gudbiyaan

Magacaabista kutladan ayaa imaanaysa saacado yar uun ka hor, shirka lagu wado in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesho xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com