Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ka sameeyay Sh/dhexe (SAWIRRO)

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta hawgal ka dhanka ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab ka sameeyay deegaano hoos-tagga Degmada Raagaceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Deegaanadan ayaa waxaa la sheegay in daba-yaaqadii bishii hore ee January la wareegeen maleeshiyada Al Shabaab, oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay 12 ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, 14 laga dhaawacay iyo 5 la sheegay in nolosha looga qabtay.

“Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 27aad ayaa maanta sameeyay hawlgal ka dhan ah cadowga ummadda Soomaliyeed ee Al Shabaab. Hawlgalkaas oo ahaa mid saddex geesood ah waxaa looga dilay cadowga Al Shabaab illaa 12 nin, 5 nolosha lagu soo qabtay iyo 14 dhaawac.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kaloo lagu yiri “Hawlgalka waxaa horkacayay Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Tareedisho.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com