Gudoomiye Xaashi oo taageeray in shirka lagu qabto Muqdisho

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay soo jeedintii Puntland ee ahayd in shirka 15-ka bishan lagu qabto Magaalada Muqdisho, ayna ka soo qaybgalaan dhammaan Saamileyda Siyaasadda iyo Bulshada Rayidka.

Gudoomiye Xaashi ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay in la wada ilaaliyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa waxaa xalay fiidkii ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si horey loogu sii amba-qaado dadaalka xalka loogu raadinayo doorashooyinka dalka. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaana lagu sheegay in 15-ka bishan uu shirka ka furmi doono Magaalada Garoowe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com