Jubbaland iyo Puntland oo ku baaqay in shirka lagu qabto Muqdisho

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku baaqay in shirka uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa shirka iclaamiyay in 15-ka bishan uu ka furmi doono Magaalada Garoowe, hase ahaatee Puntland ayaa ka dalbatay in lagu qabto Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale war galabta ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa loogu baaqay dowladda in shirka lagu qabto Magaalada Muqdisho.

“Dowladda Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa, kana qaybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15-ka February. Dowladda Jubbaland waxay ku talineysaa in shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, si ay uga soo qaybgalaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed, natiijo wadar ogol ahna uga soo baxdo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirkan oo xalay fiidkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa xal loogu raadinaya khilaafka raggaadiyay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com