Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay shir DEG DEG ah, oo ay isugu yimaadaan dhammaanba Danleyda Siyaasadda, si looga arrinsado hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September, ay Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku gaareen Magaalada Muqdisho.
Midowga Musharaxiinta ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen ku taageeray soo jeedintii Puntland, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ee ahaa in shirka uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu qabto Caasimadda Muqdisho, isla-markaana ay ka qaybgalaan dhammaanba dhinacyada siyaasadda.
Warsaxaafadeedka ayay sidoo kale ku sheegeen in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shirka kaga qaybgeli karo isagoo musharax ah, bacdamaa uu muddo xileedkiisu dhamamaday.

Akhriso Warsaxaafadeedka

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com