Xanuunka COVID-19 oo dib ugu soo laba kacleeyay Koonfurta Somaliya

Waxaa isa soo taraya xaaladaha xanuunsidaha COVID-19 ee maalin kasta laga diiwaangeliyo Gobolada Koonfurta Somaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Tobanaan qof ayaa la soo warinayaa in maalin kasta laga helo xanuunka, iyadoo shalay oo ugu dambeysay xanuunkan laga baaray 592 qof, lagana helay 51 qof, kuwaa oo 50 ka mida ay degan yihiin Magaalada Muqdisho.

Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, Agaasimaha Isbitaalka Martini ahna madaxa la dagaalanka xanuunka COVID-19 ayaa qiray in xanuunkaasi uu dib u soo laba kacleeyay.

“Waa run xanuunkii dib buu u soo laba kacleeyay, waxaana jira cudur dilaac cusub, waxayna u badan tahay sababta isu socodka dalka oo aad u badan, safarkiiyoo aad u badan, dalkii oo xuduudihiisii furan yihiin. Coronavirus nooc cusub inuu yimid adduunka qaybo ka mida waa laga sheegay iyo Afrikaba. Marka taas ayay noqon kartaa sababaha keeni kara in la arko dad hor leh oo uusan horey xanuunka ugu dhicin in markaan uu ku dhaco.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasimaha oo u waramay BBC ayaa yiri “Isbuucaan aan hadda ku jirno iyo isbuucii la soo dhaafay tiradii ugu badnaa ee aan helnay ayay noqotay, muddo lix bilood ah. Bishii August ee sanadkii hore ayaa noogu dambeysay xaalado sidaanoo kala ah.”

Mar wax laga weydiiyay in xanuunku yahay nooca cusub ee dunida lagu arkay iyo inuu kii hore yahay ayaa tibaaxay inaanay taasi wax cadayn ah u heyn, balse qalabka ay haystaan ay ku ogaadaan oo keliya in dadku qabaan COVID-19.

“Ma kala garan karno illaa iyo hadda, anaga waxaa noo soo baxdo iyo qalabka aan haysano inay dadka COVID-19 qabaan oo keliya. Baaris gooniya ayuu rabaa oo anagana aan weli na soo gaarin.” Ayuu yiri Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed.

Dhakhtarka ayaa bulshada qudheeda ku eedeeyay inay qayb ka tahay faafitaanka xanuunka, haddii aanay diyaarba inay u hoggaansamaan awaamiirta waaxda caafimaadka, ee ay tahay in looga hortaggo faafitaanka xanuunka.

“Dadka mar hore ayay iska iloobeen jiritaanka xanuunkan, waxaanan hirgelin amaba dhaqangelin waxyaabaha lagu xakameeyo xanuunka, oo isu socodka ayaa sidiii u socdo, dadku ma xirna afgashiga, gacan-qaadkii aad buu u badan yahay, goobaha la isugu yimaado waala buuxdhaafiyay, taas waxay aad u sahashay degdeg u faafka xanuunkan iyo inuu gaaro dadka nugul, ee uu soo ridanayo inuu si degdeg ah ku gaaro.” Ayuu yiri Dr. Cabdirisaaq Yuusuf.

Soo laba kacleynta xanuunka ayaa imaanaya, iyadoo toddobaadkii hore ee Hay’adda Caafimaadka Dunida (WHO) sheegtay in bishan February ay Somaliya heli doonto tallaalka COVID-19.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com