Mareykanka oo ka hadlay is mari-waaga doorashooyinka dalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka ee Somaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Edward Price ayaa sheegay in xalka uu mar walba yahay mid gacanta ugu jira Madaxda Soomaalida.

Afhayeenka ayaa sheegay in dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada ay halis ku tahay xasilloonida dalka, madaxdana looga baahan yahay in arrinta doorashada ay xal ka gaaraan.

“Inkastoo ay arrintan tahay mid xalkeeda uu u yaalo Soomaalida, haddana Mareykanka waxa uu u arkaa doorashada oo si deg deg ah loo hirgeliyo mid muhiim u ah mustaqbalka Somaliya.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri “Heshiis waala gaari karaa, waxaana ugu baaqeynaa hoggaanka Somaliya in ay deg deg u bilaabaan wadahadalada, si ay doorasho u dhacdo.”

Edward Price ayaa intaasi raaciyay “Dib u dhac ku yimaada doorashada waxay khatar gelin kartaa xasilloonida dalka, Mareykanku waxa uu ka soo horjeedaa cid kasta oo colaad adeegsaneysa. Waxaa naga go’an inaan horumarino dimoqraadiyadda Somaliya, waxaana dooneynaa in Soomaalida ka faa’iidaan xasillooni waarta, barwaaqo iyo nabadda ay mudan yihiin.”

Muddada xilhaynta ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ekeyd 8-dii bishan, mana jirto waqti la’ogyahay oo doorashada ay dhici doonto.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com