Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Hawlgabka

Shirka Golaha Wasiirada Somaliya ayaa lagu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Hawlgabka & Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka, xubin Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga, taasoo ku aadan xasilinta iyo hawlgallada amniga dalka.

Wasaaradaha ayaa xaqiijiyay in la dardargelinayo hawlgalada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta dalka, xiligan muhiimka ah ee lagu jiro doorashooyinka.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Kuigeenka Xukuumadda, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka ku u soo bandhigtay xaaladihii u dambeeyay ee xanuunka COVID-19 iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada, waxayna xukuumaddu boggaadisay dadaalka lagu badbaadinayo caafimaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo dhanka kalena lagu baaqay in la xoojiyo wecyigelinta bulshada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com