Wareysi xiiso leh: Haweeneyda 2aad ee ka mid noqotay Baarlamaanka Puntland

Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase ayaa noqotay haweeneydii 2aad ee xubin ka noqota Baarlamaanka Puntland.

Haweeneydan ayaa waxay ka mid ahayd sideedii Xildhibaan ee 3-dii bishan lagu dhaariyay Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe, iyagoo markaasi bedel u ah sideedii xubnood ee dhawaan laga saaray Baarlamaanka.

Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed ayaa Baarlamaanka Puntland ku wehlin doonto Xildhibaanad Nimco Cabdi Caarshe, oo ahayd haweeneyda keliya ee ka dhex muuqatay Baarlamaanka, tan iyo markii xubnaha Baarlamaanka Puntland la dhaariyay, 1-dii bishii January ee sanadkii 2019.

Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed ayaa sheegtay in tartankan uu yahay midkeedii 2aad oo ay xilkaasi u gashay, ka dib markii sida ay sheegtay tartankeedii 1aad looga guuleystay sanadkii 2018, markaasoo ay sheegtay in laba nin ay la tartameysay, hadase ay tartanka kaga adkaatay laba nin oo kale.

Xildhibaanadda oo la hadashay BBC waxay ka sheekeynaysaa su’aalo aan ragga la weydiin, balse haweenka la weydiiyo, marka ay Baarlamaanka ku biirayaan. Sidoo kale waxay ka warameysaa caqabadaha horgudban dumarka daneeya siyaasadda.

Halkan ka daalaco wareysiga:-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com