Falastiin Khaliif oo ah gabar dhalinyaro ah ayaa tix gaaban, balse macno xambaarsan ka tirisay is mari-waaga ka taagan geedi-socodka doorashooyinka dalka.
Falastiin Khaliif ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka rajeyneysa in ay xal ka gaaraan doodda dhexdooda ah, si looga gudbo bay tiri xaaladan siyaasadeed ee cakiran.
Falastiin waxay leedahay:-
Dalka waynu leenahay
Dirirtiyo colaaduna
Daruuf bay na badayaan
Kama daahna ruux kale
Intaan diir wadaagniyo
Dadku waa ogsoon yahay
Daal iyo culeys jira
Duleed lagama helin qaran
Dibna yaa naloo celin
Damac yaanu isu kayn dirin
Darajiyo xal baan rabay
Dunidaa na aragtee
Farriinta ay gudbineyso tixdan ayaa ah in dhinacyadu isu tanaasul muujiyaan, lagana foggaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara dalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com