Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xalay casho sharaf Madaxtooyada Magaalada Jowhar ugu sameeyay Xildhibaanada iyo Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle.
Sidoo kale kulanka cashada ayaa waxaa ka qaybgalay Golihii Wasiirada ee Maamulkii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, kuwaa oo weli xilka haya.
Kulanka ayaa ahaa mid is wareysi iyo kala warqaadasho ah, sida uu sheegay Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle.
“Ujeedku wuxuu ahaa mahadcelin uu Madaxweynaha nooga mahadcelinayay hawlaha adag ee muddooyinkii ugu dambeysay noo suurtagalay.” Ayuu yiri Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey.
Xildhibaan Muudey ayaa intaa ku daray “Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdixakiin Luqmaan xaaji Muxumed iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad, Mahad Xasan Cismaan ayaa nagala qaybgalay kulanka.”
Madaxweyne Guudlaawe ayaa Isniintii dib ugu laabtay Magaalada Jowhar, ka dib markii toddobaadkii hore uu Magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgalay shirkii wadatashiga ee Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku yeesheen magaaladaasi.














Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com