Faah faahin: Qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Inta la ogtahay hal qof ayaa ku dhintay, toddobo kalena way ku dhaawacantay qarax xoogan oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, ka dib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray bar kontorool oo ku taala Isgoyska Sayidka, oo u dhow Aqalka Madaxtooyada.

Nin la socday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa xoog ku jiiray ciidamo boolis ahaa, oo xilligaa fadhiyay agagaarka Isgoyska Dabka ee Wadada Maka Al Mukarama.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamaa ay rasaas ku furayn gaarigaasi, taasoo keentay in dadkii ku sugnaa Isgoyska Sayidka ka cararaan goobtaasi, kuwii gaadiidka saarnaana ay ka daggaan.

Maxamed Cali Mursal oo ka mid ah dadkii goobta ka dhawaa ayaa sheegay in rasaastaasi iyo xowligii uu gaariga ku socdayba uu dareenka ku dhaliyay dadkii goobta ku sugnaa, kuwaa oo bilaabay buu yiri inay cararaan. Maxamed waxa uu intaa ku daray in labada isgoys ay wax ka dhaceen ay aad isugu dhow yihiin.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in ninkii gaariga waday oo keliya uu ku dhintay qaraxaasi, halka toddobo qof oo kalena ay ku dhaawacantay.

Afhayeenka ayaa xusay in sideed gaari oo wadada yaalay iyo toddobo mooto bajaaj oo kale, uu qaarkood burbur xoogan ka soo gaaray qaraxaasi.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, iyadoo qoraal ka soo baxay ku sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa Saraakiil iyo Masuuliyiin kale oo goobta ku sugnaa.

“Camaliyad Istish-haadiyo ah oo uu fuliyay geesi istish-haadi oo watay gaari miinaysan ayaa ka dhacday Isgoyska Sayidka, gaar ahaan kontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada. Xilligii ay camaliyaddu dhaceysay waxaa goobta ku sugnaa Saraakiil iyo Masuuliyiin.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Sanadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa wadadaan ka dhacayay qaraxyada hareeraha wadada dhinaceeda la dhigo iyo weerarada ismiidaaminta, ee ay fulinayaan xubnaha ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com