Gaari uu la socday Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu rasaaseeyay Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta lagu rasaseeyay gaari uu la socday Imaam Maxamed Yuusuf, Imaamka Beesha Mudulood.

Ciidanka Ilaalada Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa gaariga ku rasaaseeyay inta u dhaxeyso labada kontorool ee laga ilaaliyo wadada horumarta Xabsiga Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga la rasaaseeyay wax yar uun ka dib markii uu ka gudbay kontoroolka koobaad, uuna ka sii gudbayo kontoroolka labaad.

Imaam Maxamed Yuusuf ayaa waxaa gaariga la saarnaa odayaal kale, kuwaa oo ka soo laabtay gogosha tacsida ee General Maxamed Nuur Galaal.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaar ka mida ilaaladii Imaam Maxamed Yuusuf ay ku dhaawacantay rasaastaasi.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laba ka mida odayaashii la socday gaariga Imaamka ay sidoo kale ku dhaawacmeen rasaastaasi.

Ma cadda sababta ka dambeysay in la rasaaseeyo gaariga Imaamka, bacdamaa ay labada ciidan ka warqabeen in wadada uu gudbayo gaariga Imaamka.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya inay khasab tahay in labada ciidan ee kontoroolada ku sugan ka warqabaan cidda dhex mareysa kontorooladaasi.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaan ka hadlin tallaabada lagu rasaaseeyay gaariga Imaam Maxamed Yuusuf.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com