Maxkamadda ICJ oo diiday codsigii Kenya ee in kiiska badda dib loo dhigo

Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee ICJ ayaa diiday codsigii Dowladda Kenya, ee ahaa in markale dib loo dhigo kiiska xadeynta badda, ee kala dhaxeysa Somaliya.

Maxkaamda ayaa labada dhinacba ku wargelisay in dhageysiga dacwadda la amba-qaadi doono laga bilaabo 15-ka bisha March ee sanadka, sidii horeyba loo qorsheeyay.

Dowladda Somaliya ayaa Khamiistii si adag uga hortimid codsiga Kenya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga. Somaliya waxay dalbatay inaanan markan dib loo dhigin dhageysiga muranka ay Kenya gelisay qayb ka mida badeeda.

Akhriso warqad ka soo baxay ICJ

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com