Villa Somalia ayaa soo dhaweysay go’aankii Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ku diiday in mar afaraad dib loo dhigo kiiska badda, ka dib codsi kaga yimid Dowladda Kenya.
Maxkamadda ICJ ayaa Kenya ku gacan-seyrtay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda, oo ku mudeysan 15-ka illaa 19-ka bisha soo socoto ee March.
Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa go’aanka Maxkamadda ku sheegay war wanaagsan oo u soo yeeray ummadda Soomaaliyeed.
“War wanaagsan ayay u tahay ummadda Soomaaliyeed in ugu dambeen Maxkamadda ICJ ay go’aamisay in 15-ka illaa 19-ka bisha March, 2021 ay dhageysato dacwadda fool ka fool ah ee u dhaxeysa Somaliya iyo Kenya.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga uu ka dambeeyay, markii Xukuumadda Muqdisho ay si adag uga hortimid in dib u dhigis kale la sameeyo.
“Arrintani waxay timid ka dib markii Dowladda Federaalka Somaliya ay go’aan adag ka qaadatay dib u dhig dambe oo yimaada.” Ayuu yiri Agaasimaha oo warkan ku sheegay qoraal uu dadka kula wadaagay bartiisa Twitter-ka.
Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa Khamiistii sheegay inaanan loo baahnayn in Maxkamadda ICJ dhageysiga dacwadda dib uga dhigto waqtigii horaan loo muddeeyay.
ICJ waxay labada dowladoodba ku wargelisay in dhageysiga dacwadda la amba-qaadi doono laga bilaabo 15-ka bisha March.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com