Argagax ka dhashay dilka saddex dumar ahi loogu gaystay Muqdisho

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab la xiriiray dilka saddex dumar ahaa saakay loogu gaystay Magaalada Muqdisho.

Haweenkan ayaa waxaa meydadkooda lagu arkay Waaxda Kur-damac ee Degmada Dayniile, waxayna dadka deegaanka sheegeen inaanay wejiyadooda aqoonsan.

Dadka reer Dayniile ayaa argagax ka muujiyay qaabka loo dilay dadkaasi, oo sida ay sheegeen ay noqoneyso markii ugu horeysay oo dil wadareed haweenka loogu gaystay degmadaasi.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in laba ka mida dumarkaasi ay xaamilo ahaayeen, isla-markaana uu boolisku baarayo falkaasi.

“Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen xubno la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Hal habeen ka hor ayay ahayd markii meydadka afar nin oo la dilay lagu arkay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, xilli aan la garanayn cidda dishay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com