Laamaha ammaanka oo dib u furay Isgoyska Dabka (SAWIRRO)

Laamaha ammaanka ayaa gelinkii dambe ee maanta dib u furay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku amray inay dib u furaan.

Laamaha ammaanka ayaa xalay dhegxaanta waaweyn ku gooyay Isgoyska Dabka, oo ku yaala wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama.

Wiishah la keenay Isgoyska Dabka ayaa la arkayay iyagoo dhegxaanta ku daabulaya gaadiidka weyn, ee qalabka dhismaha loo adeegsado.

Tallaabada markii hore lagu xiray wadadan waxay ka dambeysay, markii nin la socday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu shalay xoog kaga gudbay boolis ku sugnaa Isgoyska Dabka, isagoona markii dambe isu qarxiyay bar kontorool oo booliska uu ku leeyahay Isgoyska Sayidka, oo ah kontoroolka hore ee laga ilaaliyo amniga Madaxtooyada.

Xirnaanshaha wadadan ayaa maanta laga dareemay isu socodka gaadiidka, iyadoona ay qaylo-dhaan ka muujiyeen wadeyaasha gaadiidka.

Ka hor inta aan dib loo furin wadadan ayaa muuqaalo laga soo qaaday waxay muujinayeen saxmad iyo ciririi daran, oo ka jira wadooyinka ku teedsan.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa shacabka reer Muqdisho ka codsaday inay la shaqeeyan hay’adaha ammaanka, kuna gacansiiyaan xaqiijinta amniga.

“Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada.” Ayuu yiri Rooble.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com