Puntland oo qabatay xubno loo haysto Shabaabnimo (SAWIRRO)

Xoogaga ammaanka ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Ururka Al Shabaab iyo walxaha qarxyada laga sameeyo.

Xubnahan ayaa lagu qabtay hawlgal ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanada Maraje, Booj iyo Dhagax-dhaabur ee Buuraha Cal Madow ee qaybta Gobolka Bari.

“Ciidanka PSF ayaa hawlgalo ku soo qabtay xubno Al Shabaab ah iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo. Hawlgaladan ayay ciidamadu ka sameeyeen deegaanada Maraje, Booj iyo Dhagax-dhaabur ee Buuraha Cal Madow.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska PSF.

Xubnaha ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada PSF ayaa waxaa ku jira nin lagu sheegay inuu yahay horjooge ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo xubno kaloo odayaal ah.

Xubnahan ayaa lagu eedeeyay inay yihiin kuwa miinooyinka ku aasa wadada xiriirisa deegaanada Galgala iyo Karin ee Gobolka Bari.

PSF-ta Puntland ayaa toddobaadkii ugu dambeeyay hawlgalo ka dhan ah kooxaha nabadiidka ka waday buuraleyda Gobolka Bari.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com