Rooble oo raaligelin ugu tagay Imaam Maxamed Yuusuf (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta hoygiisa ku booqday Imaam Maxamed Yuusuf, Imaamka Beesha Mudulood.

Gaari ay la socdeen Imaam Maxamed Yuusuf iyo odayaal kale ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu rasaaseeyay wadada horumarta Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Ciidanka Ilaalada Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa gaariga ku rasaaseeyay inta u dhaxeyso labada kontorool ee laga ilaaliyo wadada horumarta Xabsiga Dhexe. Ciidanka ayaana rasaastaasi furay, wax yar uun ka dib, markii uu gaariga ka gudbay kontoroolka koobaad, uuna ku sii socdo kontoroolka labaad.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Imaam Maxamed Yuusuf ugu tagay in uu u muujiyo, sida uu kaga xun yahay dhacdadii shalay lagu rasaaseeyay gaariga Imaamka iyo odayaashii kale ee la socday.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay qaar ka mida Golihiisa Wasiirada, sida Wasiirka Amniga, Xasan Xundubey Jimcaale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com