Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Britain (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Britain ee Somaliya, Amb. Ben Fender.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Safiirka uu u muujiyay sida ay xukuumadiisu ugu qanacsan tahay kaalintiisa ku aaddan xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo horumarineed ee labada dal.

“Waxaan maanta qaabilay Safiirka UK ee Somaliya, Ben Fender, waxaan muujiyay sida aan ugu qanacsan nahay kaalintiisa ku aaddan sii xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo horumarineed ee u dhexeeya labadeena dal, waxaana u rajeeyay inuu ka guul gaaro mustaqbalkiisa.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaan qoraalka ku sheegin faah faahin intaasi ka baxsan, oo ku aaddan waxyaabihii ay kulanka kaga wadahadleen Danjiraha.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Safiirka guddoonsiiyay astaanta qaranka, shaalka dhaqanka, bakoorad iyo weliba funaanad ku buufsan calanka buluuga.

Kulankan ayaa imaanaya, xilli Beesha Caalamka ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku cadaadineyso inay xal ka gaaraan khilaafka hareeyay doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com