Dad hor leh oo COVID-19 ugu geeriyooday gudaha dalka

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa jadwalkeeda maalinlaha ku sheegtay in xanuunka laga baaray 1,202 qof, guud ahaan dalka, lagana helay 91 qof.

85 xaaladood waxaa laga diiwaangeliyay Magaalada Muqdisho, halka 6-da kalena laga diiwaangeliyay deegaanada Puntland.

Sidoo kale 56 qof oo ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa rag, halka 35-ka kalena ay haween yihiin, waxaana xanuunka ka bogsaday 6 qof.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijsay in 4 qof u geeriyootay xanuunka, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Xaaladaha guud ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa sii caga-cageyneysa 5,183 xaaladood, iyadoo 3,739 qof ka bogsadeen, halka 152 qof u geeriyootay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xanuunka uu dalka ku soo laba kacleeyay, iyadoona xustay inay isa soo tarayaan xaaladaha dalka laga diiwaangelinayo iyo weliba dadka kale ee xanuunka u dhimanaya.

Faafitaanka deg-degga ee fayriska Corona ayaa imaanaya, xilli bulshada aanay kuba baraarugsaneyn halista fayriskaasi.

Foosiya Abiikar ayaa shacabka ugu yeertay inay ka taxadaraan faafitaanka xanuunka, kana qayb qaataan dadaalada looga hortaggayo xanuunkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com