Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay shaqaalaha (SAWIRRO)

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa tababar laba maalmood ah Magaalada Muqdisho uga furay xubnaha ka shaqaynaya doorashada.

Tababarkan oo Axadii loo furay shaqaalaha doorashada ayaa waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta la soo geba-gabeeyo.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo kaashanaya qaybta amniga ee Amisom ayaa bilaabay tababarka bedqabka doorashada iyo dadka ka shaqaynaya oo soconaya laba maalmood.” Ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Tababarkan waxaa ka qaybgelaya Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta khilaafadka.”

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaan weli xal ka gaarin khilaafka ku gadaaman hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com