Talyaaniga oo 3 milyan oo Euro ugu deeqay isbitaalada dalka (SAWIRRO)

Dowladda Talyaaniga ayaa maanta ku dhawaaqday inay saddex milyan oo Euro ugu yabooheyso isbitaalada dalka, si wax looga qabto baahiyaha ka jira.

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur iyo Safiirka Talyaaniga ee dalka u fadhiya, Amb. Alberto Vecchi ayaa Magaalada Muqdisho ku wada saxiixay taageerada maaliyadeed, ay Dowladda Talyaaniga u fidineyso goobaha caafimaadka ee dalka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in lacagahan, si gaar ahi wax looga qaban doono baahiyaha ka jira isbitaalada ay gacanta ku hayso Wasaaradda.

“Isbitaalada ay Wasaaradda Caafimaadka gacanta ku hayso ayaa ah kuwa daboola baahiyaha caafimaad ee dadka masaakiinta ah ee ku nool xeryahay barakacayaasha, kuwaas oo aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka caafimaad.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasiir Foosiya iyo Safiirka Talyaaniga ayaa saxiixa ka dib kormeeray Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir, iyagoona si gaar ahi u soo indha-indheeyay qaybta dhallaanka lagu daryeelo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com