Wasiirka Amniga Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa faah faahiyay hawlgalo maalmihii ugu dambeeyay, ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Amisom ka wadeen qaybo ka mida Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wasiirka ayaa marka hore sheegay in labada ciidan ay hawlgalo ballaaran ka fuliyeen deegaano hoos-tagga Degmada Raagaceelle, isla-markaana ay ka saareen maleeshiyadii Al Shabaab ee ku sugnaa.
Wasiirka ayaa tilmaamay dagaalo halkaasi ka dhacay in khasaaro lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii ay isku dayeen sida uu yiri inay iska caabiyaan ciidamada.

Waxa kaloo uu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay hawlgalo kale ka fuliyeen duleedka Magaalada Jowhar, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Shabaabka iyo hubkii ay wateen, kuwaa oo haatan ku jira gacanta Maamulka Hirshabelle, sida uu yiri.
Wasiir Khayre ayaa soo hadalqaaday in hawlgalada laga bilaabay Gobolka Shabellaha Dhexe, uu ka dambeeyay amar ka soo baxay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), kaasoo ahaa in Shabaabka laga sifeeyo Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wasiir Khayre oo Warbaahinta la hadlayay ayaa ugu dambeen sheegay in labada ciidan ay sii wadi doonaan gulufka ka dhanka ah Shabaabka hubeyan ee dalka ka dagaalama.
Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 27aad ayaa toddobaadkii hore dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay Gobolka Shabellaha Dhexe.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com