Beyle oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Xoogga (SAWIRRO)

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in kulan miro dhal ahi uu la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

“Kulan miro dhal ah ayaan la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaan ka wadahadalnay maalgelinta difaaca dalka, xilligan xasaasiga ah iyo taageerida ciidankeena geesiyaasha ah, si ay u difaacaan Somaliya. In ay dadkeena nabadgelyo hellaan ayaa ah ahmiyadeena koobaad. Waad ku mahadsan tihiin adeeggiina.”

Kulankan ayaa imaanaya, xilli Dowladda Federaalka ay isu diyaarineyso doorashooyinka guud ee dalka, waana xilli qaybo ka mida gobolada dalka uu ka socdo hawlgal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com