Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Gedo oo soo gaaray Muqdisho

Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Gedo ee taabacsan Dowladda Federaalka ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye-yaasha ayaa maalmihii ugu dambeysay waxaa uu shir uga socday Magaalada Garbahaarey, halkaasoo uu maalmahaanba ku sugnaa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo, Axmed Buule Gareed.

Gudoomiye-yaashan ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho kula kulmaan Madaxda Dowladda Federaalka, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo, Cali Cabdullaahi Juba.

Afhayeenka ma faah faahin waxa shirkaasi looga hadli doono, balse waxaa uu xusay in uu yahay mid wadatashi.

Arrinta Gobolka Gedo ayaa dood culus ka dhex dhalisay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada, oo horaantii bishan ku kulmay Magaalada Dhuusamareeb.

Arrinta doodda keentay ayaa ah, iyadoo Dowladda Federaalka lagu eedeeyay inay iska diiday in gobolkaasi ay dib ugu wareejiso Maamulka Jubbaland.

Dowladda Federaalka ayaa horaantii sanadkii 2020, Maamulka Jubbaland kala wareegtay gacan ku haynta gobolkaasi, ka dib doorashadii lagu murmay ee 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 ka dhacday Magaalada Kismaayo, dib-na loogu soo doortay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Dowladdu waxaa ay xilligaa diiday inay aqoonsato madaxtinimada Axmed Madoobe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com