Tiradii ugu badneyd oo COVID-19 ugu geeriyootay Magaalada Muqdisho

Waxaa soo badanaya dadka xanuunka COVID-19 ugu geeriyoonaya dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, iyadoo maanta oo keliya laga diiwaangeliyay sagaal xaaladood oo dhimasho ah.

Warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu xaqiijiyay in dhimashada sagaalka qof tahay, inkastoo ay jiraan warar tirada intaasi ka badinaya, waana tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka ugu dhimata xanuunkaasi, tan iyo markii uu dalka ku soo laba kaceeyay, horaantii bishan.

Dadkan ayaa xanuunka ugu geeriyooday Isbitaalka Martini, oo ah halka ay Dowladda Federaalka u asteysay in bukaanada lagula tacaalo.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in xanuunka laga baaray 659 qof, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay, waxaana laga helay 100 qof.

92 xaaladood ayaa laga diiwaangeliyay Magaalada Muqdisho, 4 xaaladood Jubbaland, 3 kiis Koonfur Galbeed iyo 1 xaalad oo Hirshabelle laga diiwaangeliyay.

Sida ku cad warbixinta caawa ka soo baxday Wasaaradda Caafimaadka 63 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waxaa weeye rag, halka 37 kalena ay haween yihiin.

Tirada guud ee xanuunka laga helay dalka oo dhan ayaa gaartay 5,373 xaaladood, iyadoo 3,750 qof ka bogsadeen, halka 163 qof ay u geeriyootay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur oo maanta Warbaahinta la hadashay ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka taxadaraan faafitaanka iyo halista xanuunka, isla-markaana ay ka qayb qaataan dadaalada lagu xakameynayo.

Iyadoo xaaladaha ugu badan laga diiwaangelinayo Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa haddana jirin wax iska bedelay noloshii caadiga ee magaalada, goobaha dadka isugu yimaadaana weli sidoodii ayay u camiran yihiin, kamana jirto wax kala foggaansho ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com