Xoogaga Haramcad oo hawlgal ka fuliyay Degmada Afgooye (SAWIRRO)

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa maanta hawlgal ka sameeyay bannaanada hore ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Hawlgalka oo ah mid amni xaqiijin ah ayuu ujeedkiisu yahay in lagu xaqiijiyo nabadgelyada wadada dheer ee xiriirisa Degmada Afgooye iyo Magaalada Muqdisho, oo ay ku soo noqnoqdeen weerarada Al Shabaab.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Booliska Haramcad ayaa baahisay in hawlgalka lagu soo qabtay xubno lala xiriirinayo Shabaabnimo.

Hawlgalkan ayaa imaanaya, xilli ay gebo-gabo ku dhowdahay dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com