General Odawaa oo sheegay in hawlgal lagu dilay 20 xubnood oo Shabaab ahaa

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in maanta hawlgal qorsheysan lagu dilay 20 xubnood, oo ka tirsanaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in hawlgalku ka dhacay wadada xiriirisa Degmada Qoryooley iyo deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha ayaa xusay hawlgalka oo ay fuliyeen Xoogaga Kumaandooska Danab, ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka lagu dilay 20 xubnood, oo Saraakiil ay ku jiraan.

General Odawaa ayaa sheegay in hawlgalkan uu qayb ka yahay hawlgalada, ee ay Ciidanka Xoogga Dalka ka wadaan gobolada dalka.

Xubnaha Shabaabka ee hawlgalkan lagu dilay ayaa qayb ka ahaa go’doominta ay Shabaabku ku hayaan Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose, qaarkood.

Gobolka Shabellaha Hoose waxaa la fahamsan yahay in ay ka dhacaan hawlgalada ugu badan ee Shabaabka lagula bartilmaameedsado dalka, waana xilli ay gobolkaasi ka gaystaan weerarada ugu badan.

Shabaabku waxay gobolkaasi uga hawlgalaan, uguna xoogan yihin, si ka duwan gobolada kale, ay ka hawlgalaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com