Rooble oo ganacsatada kala hadlay inaysan raashiinka ku qaaliyeen shacabka

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay xubno ka socday Guddiga Ganacsatada ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ganacsatada kala hadlay inaysan shacabka ku qaaliyeen maciishadda iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha bulshada, xilligan adag ee dalku wajahayo soo kaba kacleynta xanuunka COVID1-9.

Sidoo kale waxaa uu ganacsatada u sheegay in dowladdu u sameynayso canshuur dhaaf badeecooyinka daruuriga.

Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Xubnaha Guddiga Ganacsatada ee Gobolka Banaadir ayaa isu waafaqay in loo dhimriyo bulshada Soomaaliyeed, xilligan adag.

Dowladda Somaliya ayaa maanta soo saartay awaamiir lagu xakameynayo xanuunka saf-marka ah ee COVID-19, ee fayriska Corona uu keeno.

Magaalada Muqdisho ayaa noqotay halka ugu daran ee soo kaba kacleynta xanuunka, uu sida weyn u saameeyay, iyadoo kiisaska ugu badana laga diiwaangeliyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com