Wararkii ugu dambeeyay Sawirqaade lagu dilay Magaalada Muqdisho

Cabdulqaadir Xasan Maxamed (Awlaad Yare) oo nin dhalinyaro ahaa ayaa duhurnimadii maanta waxaa lagu dilay Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay ninka dhalinyarada ah, iyadoo dilka ka dibna ay u suurtagashay in gacanta shaciga ka baxsadaan.

Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Isgoyska Hawlwadaag oo ku baxay goobta uu falku ka dhacay ayaa ka qaaday meydka marxuumka, iyagoona geeyay Xarunta Hay’adda Dembi Baarista (CID).

Awlaad Yare ayaa muddooyinkii ugu dambeysay la shaqaynayay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana uu Sawirqaade u ahaa Taliyaha Ciidanka, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Wararka ayaa sheegaya in Awlaad Yare uu 7-dii bishii January ka badbaaday qaraxii gaadiidkii uu la socday General Mahad Cabdiraxmaan lagula eegtay agagaarka Madaxtooyadii hore Cabdiqaasim Salaad Xasan ee Degmada Hodan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka marxuumka loogu gaystay Magaalada Muqdisho, waxaase lala xiriirinayaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Waa Sawirqaadihii ugu da’da yaraa ee lagu dilo Magaalada Muqdisho, inta ay taariikhda qoreyso.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com