Yuusuf Dabageed oo Beledweyne kula kulmay Saraakiisha Ciidamada (SAWIRRO)

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa maanta Magaalada Beledweyne kula kulmay Saraakiisha Ciidamada, oo kuwa Amisom-na ay qayb ka yihiin.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Taliyaha Booliska Hirshabelle, Xasan Dhicisow Xasan, Abaanduulaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Saalax Yacquub, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Qaybta 4aad ee Amisom ayaa looga hadlay xaaladda amni ee Magaalada Beledweyne iyo sidii amniga magaalada loo xoojin lahaa, ka dib hanjabaad Madaxweyne Kuxigeenka kaga timid jabhadda uu hoggaamiyo General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud), oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Jabhadda jananka ayaa Talaadadii shalay ku soo dhawaatay afaafka hore ee Magaalada Beledweyne, waxayna jabhaddu sheegtay in loo baahan yahay in magaalada laga saaro Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle iyo Taliyaha Booliska Hirshabelle, ka dib markii ay ku eedeeyeen inay caburin ku hayaan dadka deegaanka.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa horaantii bishan ku goodiyay in ay xoog u adeegsan doonaan dadka taageersan jabhadda General Xuud ee ku sugan Magaalada Beledweyne, isla-markaana aysan aqbali doonin in amniga la qalqalgeliyo.

General Xuud ayaa ka soo horjeestay hannaankii loo maray doorashadii 11-kii bishii November ee sanadkii 2020 ka dhacday Magaalada Jowhar, laguna soo doortay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe). Jananka ayaana 27-kii bishaasi November ku dhawaaqay jabhadda HLF (Hiran Liberation Front). HLF waxay u muuqataa mid taageero ka haysata dadka reer Hiiraan, qaybtood.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com