Dhoola-tuskii Midowga Musharaxiinta ee Daljirka Dahsoon (SAWIRRO)

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa gelinkii dambe ee maanta wax u eg dhoola-tus iyo is muujin ku soo bandhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Goobtan waa halka ay Midowga Musharaxiinta ugu tala-galeen in Jimcaha ku qabtaan bannaanbax nabadeed, oo Dowladda Federaalka looga dalbanayo inay dedejiso doorashada dalka.

Musharaxiinta ayaa waxaa la socday oo amnigooda ilaalinayay ciidan fara-badan oo ku labisnaa dareyska Ciidamada Militariga iyo weliba Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu dambeen Warbaahinta kula hadlay Taalada Daljirka Dahsoon, isagoona sheegay in berrito ay tahay maalin taariikhiya.

“Berri waa maalin taariikhi ah, halkan waxaan rajeynaynaa inuu ka dhaco mudaaharaad weyn, oo gadaashiisa ay dhici doonto dimoqraadiyaddii dalkan waqtiga dheer uu safka ugu soo jiray inuu si dhab ah u gaaro, la ilaaliyo sharcigii, lana soo celiyo kala dambayntii ayaan rajeynaynaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka soo qaybgalaan bannaanbaxaasi, isagoo dhanka kalena ciidamada ammaanka ugu yeeray inaanay carqaladeyn isu soo baxaasi, haddii uu yahay mid nabadeed.

“Halkan waxaan rabnaa inaan uga dirno Shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay jooggaan inay ka soo qaybgalaan. Qodobka 2aad waxaan rabnaa inaan la hadalno ciidamada amniga, waad ku mahadsan tihiin shaqada fiican ee aad haysiin, laakiin waxaan rabnaa inaan idin sheegno mudaaharaadkan waa mudaaharaad nabadeed, waa mudaaharaad lagu xoojinayo dowladnimada iyo sharciga, waa mudaaharaad lagu xoojinayo kala dambaynta iyo amniga, kama soo horjeedo amniga. Marka waxaa la idinka rabaa inaadan carqaladeynin, waxaa tihiin wiilal Soomaaliyeed, dowladnimadaan maalinba cidaa soo haysay, Madaxweynahayna waqtigiisii waa dhammaaday, maanta wixii ka dambeeyo wuxuu ka mid yahay musharaxiintaas xilka madaxweynenimada u tartameysa, cid colaad gaara u qabto ma jirto, laakiin waxaan rabnaa sharciga inaan wada ilaalino. Dadka meeshaan joogga xilal waaweyn iyo xilal yar waa ka soo taggeen.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan rabnaa inaan iraahdo kulligooda nin la arkaaba intuu joogay Gudoomiye Shariif Xasanaa ka bilaabayaa Madaxweynaha wuxuu dhahay xilligaada waa dhamamaday, Shariif Xasanow doorasho gal, Shariif Xasan waa ogolaayay, ogolaansho maahee xitaa ma tartamin, waa ka tagyay mise waa been? Qof kastoo Maamul Goboleed joogay waxaa la yiri waqtiga waa kaa dhamamaday, soco.”

Shariif Sheekh Axmed ayaa intaa ku daray “Madaxweyne waqtiga waa dhammaaday, waxaan rabnaa doorasho in la aado, waxaa la aaminsan yahay doorashada inaad adiga caqabad ku tahay, doorashada ka hor leexo. Mudaaharaadkan ujeedadiisu waa intaas, aad iyo aadaa u mahadsan tihiin.”

Xubnaha Midowga Musharaxiinta iyo xubnihii kale ee la socdayba ayaa xirnaa afgashiga, waana mid dareyso farriinta ah, sida ay ugu hoggaansamayn awaamiirtii dowladda, ee ahayd in dadku taxadaraan, xilligan adag.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com