Dowladda oo caawa ciidamo ku soo daadisay Isgoysyada Muqdisho

Dowladda Somaliya ayaa caawa ciidamo ku soo daadisay isgoysyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho ku yaala, qaarkood.

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa caweyskii caawa lagu soo daadiyay Isgoysyada Zoobe, KM4, Taleex, Dabka iyo kuwo kale.

Muuqaalo laga soo qaaday isgoysyadaasi ayaa muujinaya Ciidamada Haramcad, oo gaadiidka dagaalka ku gooyay wadooyinkaasi.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Villa Somalia ay dooneyso bandow ay geliso magaalada, si ay kaga hortagto bannanabaxa maalinta berrito lagu wado in Midowga Musharaxiinta ku qabtaan Taalada Daljirka Dahsoon.

Wararka ayaa sheegaya in Taliye-yaasha Saldhigyada Booliska lagu wargeliyay in berri ay bandow tahay, lagana doonayo inay dhaqangeliyan.

Tallaabada ciidamada loogu soo daadiyay magaalada ayaa imaanaysa, xilli fiidkii caawa ciidamada ka amar-qaata General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde), ay la wareegeen ammaanka Taalada Daljirka Dahsoon.

General Indhacadde oo Warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay inuu u istaagay suggida ammaanka ee dadka bannaanbaxa ka qaybgalaya, xilli sida uu sheegay aanay jirin cid arrintaasi u dirsatay.

Gelinkii dambe ee maanta Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta, Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay Daljirka Dahsoon ayaa sheegay in bannaanbaxooda uu yahay mid nabadeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com