General Indhacadde oo ka hadlay la wareegidda Taalada Daljirka Dahsoon

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hadlay sababta ay caawa ciidamada ka amar-qaata ula wareegeen ammaanka Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Goobtan waa halka ay Midowga Musharaxiinta ugu tala-galeen inay Jimcaha berrito ku qabtaan bannaanbaxa nabadeed, ee Dowladda Federaalka looga dalbanayo inay dedejiso doorashada dalka.

General Yuusuf Maxamed Siyaad ayaa sheegay inuu u istaagay suggida ammaanka ee dadka bannaanbaxa ka qaybgalaya, xilli sida uu sheegay aanay jirin cid arrintaasi u dirsatay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inaanay dalka ka jirin wax dowlad ah, isla-markaana uu dhammaaday muddo xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo intaa ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu sifo aan sharci ahayn ku jooggo Aqalka Madaxtooyada.

Jananka ayaa tilmaamay in ciidamadiisu ay hawlgal amni xaqiijin ah ka wadaan aagga Daljirka Dahsoon, si aan loo dhibaateen dadweynaha lagu wado in bannaanbaxaasi ka qaybgalaan, waxaana uu muujiyay in yoolkiisu yahay in si nabada uu bannaanbaxaasi ku dhaco.

General Indhacadde, General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) iyo General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) oo gacanta Shabaabka ku baxay waxaa saddexdooduba la tilmaamaa in ay yihiin kuwii Shabaabka ka saaray Caasimadda Muqdisho, muddo sagaal sano laga jooggo.

Tallaabada ciidamada General Indhacadde kula wareegeen Taalada Daljirka Dahsoon ayaa imaanaysa, xilli Villa Somalia ay qorsheynayso in ciidamado ku soo daadiso magaalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com