Masiibo ka jirta Isbitaalka Martini ee Magaalada Muqdisho

Isbitaalka Martini oo ah halka ay Dowladda Federaalka u asteysay in lagula tacaalo dadka laga helo xanuunka COVID-19 ayaa waxaa la sheegaya in ay ka jirto masiibo ka dhalatay daryeel la’aanta baahsan ee ka jirta isbitaalkaasi, xilli adeegiisa ay baahi badan u qabaan boqolaalka qof ee ku nool magaalada, lagana helay xanuunkaasi.

Adeegga caafimaad ee isbitaalkaasi uu bixiyo ayaa lagu sheegay mid aad u liita, waana xilli ay dowladdu ku baaqeyso in dadku iska baaraan xanuunka, marka ay astaamihiisu isu arkaan.

Hal habeen ka hor waxaa Isbitaalka Martini ku geeriyootay haweeney xaamilo ahayd, sababtuna ay tahay, iyadoo aan isbitaalkaasi ka helin adeeggii ay u baahneyd.

Maxamed Caafi oo ah saygii qabay haweeneydaasi ayaa Laanta afka Somaliga ee VOA u sheegay in la badbaadin kari waayay xaaskiisii, qalab caafimaad oo dhameystiran oo aan isbitaalkaasi ka jirin, awgii.

Maxamed Caafi ayaa sidoo kale bannaanka soo dhigay heerka uu gaarsiisan yahay daryeelka aan buurnayn ee ka jira isbitaalkaasi, oo ku yaala wadada kala qaybisa Degmooyinka Xamar Weyne iyo Xamar Jajajb.

Halkan ka daalaco wareysiga Caafi

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com